216 Views

Weeraryahanka Kooxda Manchester City Erling Haaland oo sheegay inay ugaarsanayaan Kooxda Arsenal

Weeraryahanka Kooxda Manchester City Erling Haaland  oo sheegay inay ugaarsanayaan Kooxda  Arsenal
____________________________________________________________________________

Khamiis: 29 December 2022

Weeraryahanka Kooxda Manchester City Erling Haaland ayaa sii watay xilli ciyaareedkiisii cajiibka ahaa, isaga oo dhaliyay laba gool, si uu Manchester City uga caawiyo in ay guul 3-1 ku garaacdo Leeds United Arbacadii.

Guushan oo hubinaysay in kooxda heysata horyaalka ay shan dhibcood ka dhigto farqiga u dhexeeya hoggaamiyayaasha Premier League ee Arsenal.

Kooxda martida ahayd ee City ayaa heshay fursado badan qaybtii hore ee ciyaarta, iyadoo goolhayaha Leeds Illan Meslier uu Haaland laba jeer ka badbaadiyay goolal uu dhalin lahaa.

Goolka kale ee Manchester City waxaa dhaliyay khadka dhexe ee u dhashay waddanka Spain Rodri, halka Pascal Struijk uu goolka qura u dhaliyay Leeds United.

“Waa inaan ugaarsanno Arsenal” ayuu yiri Haaland guushaas kadib, sida ay qortay Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post