411 Views

in ka badan 7 Milyan oo loogu deeqay dadkii ku hanti beelay Suuqa Waaheen ee Hargeysa

in ka badan 7 Milyan oo loogu deeqay dadkii ku hanti beelay Suuqa Waaheen ee Hargeysa
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo xalay kulan ballaaran oo Afur ah, laguna daah-furayo wejiga koowaad qaadhaan ururinta masiibadii suuqa Waaheen, wuxuu la qaatay ganacsatada kala duwan ee Somaliland.

Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii loo ururin lahaa lacago qaaraan ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay masiibadii dabka ee dhawaan ka dhacday suuqa weyn ee Waaheen,  islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsato iyo madax ka socotay shirkadaha kala duwan ee dalka, guddiyada Gurmadka iyo taakulaynta Suuqa Waaheen, culimaa’udiin, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah.

Ugu horrayn waxaa madasha ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim, waxuuna madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu xilka iskaga saaray in gurmad loo fidiyo dadkuu uu saameeyay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen, isaga oo  ganacsatada heerarkeeda kala duwan ku ammaanay sida ay usoo ajiibeen kulanka, ugana qayb qaateen ururinta qaadhaanka.

Dr. Farxaan Liibaan oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka taakulaynta suuqa Waaheen iyo Dr. Axmed Aadan Buux oo ku hadlay afka culimada iyo ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in wada-jir loogu gurmado masiibada ka dhacday suuqa Waaheen, iyada oo goobta laga xaadiriyey magacyada ganacsato tiro badan iyo dallado waxbarasho oo madasha kaga dhawaaqay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka masiibada suuqa Waaheen taas oo dhan $8,000,000 (Siddeed milyan) oo Doollar.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa isaguna bogaadiyey ganacsatada sida xilkasnimada leh uga qayb qaadatay qaadhaan ururinta, waxana uu guud ahaan siyaasiyiinta iyo qaybaha shacabkaba ugu baaqay inay midnimada ummadda ka shaqeeyaan, kana dheeraadaan waxkasta oo dib usoo celin kara masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, ayaa si qoto dheer uga warbixiyey dedaallada xukuumadda iyo shacabka oo gacmaha is haystaan wadaan ee dhinaca dhaqaale ururinta ah, isaga oo caddeeyey inay xukuumaddu Akoonka qaadhaanka suuqa Waaheen ku shubtay lacag dhan $2,530,000(Laba milyan, shan boqol iyo soddon kun) oo dollar, islamarkaana ay  jiraan dawlado aynu deris nahay oo lacago qaadhaan ah kusoo shubay sanduuqan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post