702 Views

Itoobiya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis iskaashi milatari

Itoobiya iyo Ruushka oo  kala saxiixday heshiis iskaashi milatari
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ka dib wadahadal saddex maalmood qaatay, sida ay sheegtay warbaahinta Fana News.

Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono “xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.”

Heshiiska ayaa sida la sheegay diirada lagu saari doona kor u qaadida aqoonta, difaaca, iyo awooda farsamada ciidamada difaaca.

Siyaasada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa dhawaan u wareegtay dhanka Ruushka iyo Shiinaha taas oo ka dhalatay cadaadis xoog leh oo kaga yimid dhanka dawlada Maraykanka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Bishii May, taageerayaasha ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxay sameeyeen mudaaharaad looga soo horjeedo Mareykanka oo ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, iyo waddamada reer galbeedka, iyagoo ku cambaareeyay madaxweyne Joe Biden.

Dibadbaxayaasha ayaa u sacab tumay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.

Maamulka Biden ayaa xayiraad ku soo rogay fiisooyinka iyo kaalmada dhaqaale ee dowladda Itoobiya dagaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post