945 Views

Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif oo u digay Xukuumadda Soomaaliya

Xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif oo u digay Xukuumadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa War kasoo saaray Xayiraadii shalay Garoonka Aadan Cadde loogu geystay Shariif waxaana Xukuumadda Soomaaliya uu uga digay in ay sii waddo Go’doominta iyo faragalinta ay ku heyso maamulada.

 

War kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in falkii ay  ku kacday dowladda Farmaajo uu Hoggaaminaayo in uu ahaa mid xadgudub ku ah xuquuqda isu-socodka ee dastuurka Soomaaliya uu siinayo muwaadiniinta.

 

Xisbiga ayaa sheegay in tilaabo xun ay ka dhalan karto Awoodda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay u adeegsanayso Muwaadiniinta hadii aysan ka fiirsan.

 

Xisbiga Himilo Qaran ayaa madaxda dowladda ugu baaqay inay ka waantoobaan ku tumashada sharciga dalka, ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka iyo caburinta joogtada ah oo ay caadeysteen.

 

Ugu dambeyntii xisbiga ayaa Xusay in tilaabadda ku haboon ay ka bixin doonaan Xayiraadii shalay la saaray Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment