3210 Views

Madaxweyne Laftagareen oo booqday Baraawe

Madaxweyne Laftagareen oo booqday Baraawe
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | January 10, 2019 – Wafdi ballaaran oo uu hor kacayo Madaxweynah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Maanta gaaray Magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaasi.

Waxaa safarka Madaxweynaha qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne, Lafta gareen, ayaa ka mahad celiyay sidii wanaagsanayd ee loogu soo dhoweeyay halkaasi, isagoo xusay inuu Baraawe kula kulmay Dad u bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga.

“Waxaa si wanaagsan noo soo dhoweeyay Shacabka Degmada Baraawe oo ah Dad aad ugu bisil Dowladnimada iyo maamul wanaagga”, ayuu yiri Madaxweyne, Lafta gareen.

Madaxweynaha ayaa booqday goobo dhowra oo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baraawe oo weli uu socdo dhismahiisa, wuxuuna sheegay in waqti dhow lasoo geba-gabeyn doono howlahiisa.

Mudane, Lafta gareen, ayaa muhiimadda safrkiisa ku tilmaamay inuu Indha-Indheeyo Gobolka Shabeellada hoose, isagoo Shacabka u ballan qaaday inuu booqan doono dhammaan degaannada maamulka Koofur Galbeed, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii laysugu furi lahaa degaannada kala xiran loogana xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab.

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment