5874 Views

Ireland oo €3 oo Euro ugu deeqday Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2018 –  Dowladda Ireland, ayaa sheegtay in lacag dhan saddex Milyan oo Yuuroo ay ugu deeqday Soomaaliya si wax loogu qabto dadka ay dhibaatooyinka kala duwan ku heystaan gudaha Soomaaliya.

Wasiirrada arrimaha dibadda iyo Wasiiru dowlaha qurba joogta iyo horumarinta ayaa ku dhawaaqay in ay lacagtaas ugu deeqeen Soomaaliya si wax looga qabto mushkiladaha hadda ka jira Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in ay warbixin ku hayaan in 5.4milyan oo Soomaali ah ay macluul kala duwan ku heysato gudaha Soomaaliya.

Iyada oo taas ka duuleysana ay bixineyso lacagta gargaarka ah,waxaa ay dowladda Ireland  sheegtay in lacagtaas la marinayo hay’adaha safalka ee ka howlagala Soomaaliya.

Ireland ayaa waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2017,waxaa ay Soomaaliya ku bixisay lacag dhan €6.7Milyan oo Yuuroo.

Waxaa ay sheegtay in dhamaan lacagtaas la mariyay Hay’adaha wakiilka ka ah Qaramada Midoobey ee ka howlagala Soomaaliya

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment