2091 Views

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Amarsiiyay Saraakiisha CXDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Amarsiiyay Saraakiisha CXDS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 20, 2019 –Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku amray Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay gutaan Waajibaadka saaran, islamarkaana aysan kasoo bixin Goobaha ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu sheegay in laga doonaayo Askari walba in uu ku sugnaado goobta ay ku ogtahay Dowladda Soomaaliya, islamarkaana tilaabo adag laga qaadi doono Cidii ka baxda goobihii loogu tala galay.

Waxaa uu xusay in Saraakiisha Ciidanka waajibkooda uu yahay ilaalinta Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in Qaraxyo iyo dhibaato ay la kulmaan maalin walba.

Taliyaha ayaa Ciidanka u sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay diwaangalinta Ciidamada iyo habeyntooda,islamarkaan Ciidanka laga saari doono qofkii laga waayo goobtii lagu Oggaa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment