1374 Views

Wararka Soomaaliya oo laga xusayo Maalinta Saxaafadda Aduunka

Wararka Soomaaliya oo laga xusayo Maalinta Saxaafadda Aduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 – Maanta oo kale 3-da bisha May Sanadkiiba mar ayaa waxaa Magalada muqdisho iyo Guud ahaan Caalamka waxaa laga xusaa Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka, iyada oo ay dhacaan munaasabado kala duwan.

 

Maanta oo ku beegan 3-da bisha May Sanadka 2019 ayaa waxaa Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya lagu qabanayaa munaasabado ay dhigayaan qaar ka mid ah Ururada Saxaafadeed ee dalka ka jira.

 

Inta badan Munaasabadaha ayaa waxaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka heysta Saxaafadda Soomaaliya iyo xurriyadda hadalka,waxaana la soo bandhigi doonaa Wariyeyaashii la dhibaateeyey Sanadkii la soo dhaafay.

 

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee Suxufiyiinta lagu dhibvaateeyo wallow sanadihii la soo dhaafay ay yaraayeen dhibaatooyinka loo geysan jiray Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xilligaan ku Shaqeynaya duruufaha adag.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment