834 Views

Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay G/J/Hoose

Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay G/J/Hoose
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Wararka aan ka heleeno deegaanka baarka oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan lisku adeegsaday oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.

Sida goob joogayaal ay xaqiijiyeen dagaalka dhinacyada ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen saldhig ay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baarka ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyadoo dhimashadu ay tahay 6 ruux oo dhinacyada ah, dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

Dhankiisa Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay inay fashiliyeen kana hortageen weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen, waloow aysan shaacin khasaaraha dhankooda weerarkaas kasoo gaaray.

Haatan waxaa degan xaaladda goobtii lagu wada dagaalamay oo ahayd degaanka Baarka ee gobolka Jubbada Hosoe, iyadoo Ciidamada Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ay wali isku hor fadhiyaan deegaanka ay ku dagaalameyn meel aan sidaa uga fogeyn, inkastoo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post