768 Views

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan gaar ah yeelanaya

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan gaar ah yeelanaya
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 23, 2021
—Kulan saacado badan qaataya ayay Madaxda Shanta Maamul goboleed ku yeesheen khadka taleefoonka, iyaga oo ka wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha muranka ee la xiriira doorashooyinka.

Wararka horudhaca ah ee kulankaasi laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Dowlad goboleedyada ay muujiyeen xoogaa isku soo dhawaansho ah maadaama ay ku kala ragti duwanaayeen Arrimaha doorasooyinka dalka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaadka Bishaan inay shir isugu yimaadaan, waxaana ay u badan tahay in shirka ka dhaco Baydhabo, inkastoo aan weli la isku raacin goobta.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed oo qaatay dooriisa ku aadan dhex-dhexaadinta ama sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka ayaa isku keenay Madaxda Dowlad goboleedyada, halka Xubno uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ay dhankooda wadaan dadaalo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post