1698 Views

Sawiro:-Faahfaahin qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sawiro:-Faahfaahin qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Waxaa warar dheeraad ah kasoo baxayaan qarax galabta orax dhicii ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaani ayaa ahaa mid lagu xiray gaari uu watay ruuxa geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Saacid Xuuke Jaamac oo ahaa Agaasimaha Waaxda Boostada iyo isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada xukuumadda Soomaaliya.

Isla markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo fariisimo ku leh isla isgoyska Sayidka waxaana wakhti kooban hakad galay isku socodka gaadiidka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxan inuu ahaa miinada nuuca dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Waxaa dhawaanahaan Magaalada Muqdisho kusoo badaanayey qaraxyada lagu dhejiyo gawaarida ee lagu beegsado shaqaalaha dowladda Soomaaliya

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment