996 Views

Soomaaliya oo kaalin hoose ka gashay ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta

Soomaaliya oo kaalin hoose ka gashay ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 20 2021–Warbixinta sanadlaha ee Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka lahayn ee Reporters without Borders (RSF) ayaa maanta oo Talaado ah la shaaciyey, iyadoo lagu soo bandhigay Qiimaynta Kala-horeynta 180-ka Waddan iyo  qaababka ay ula macaamilaan Suxufiyiinta, dalalka xushmeeya Xuquuqda Suxufiyiinta iyo kuwa ku tallax-tegay caburinta, xariga, dabagalka, faaf-reebka,dilalka qarsoodiga iyo jirdilka aan sharciyeysnayn .

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee RSF oo la asasay sanadkii 1985-kii waxay Xaruntiisa Dhexe ku taallaa Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Sida lagu xusay Warbixinta oo loogu magac daray Tusmada Xorriyadda Saxaafadda Caalamka ee sanadka 2021-ka (The 2021 World Press Freedom Index) ayaa lagu sheegay in 73 Waddan dhamaantooda la xayiray ama si aad khatar u ah loo xanibay Saxaafadda, halka 59 dal oo kalena ay Dowlado badan u isticmaaleen aafada xanuunka Coronavirus, si ay Saxaafadda si xun ula dhaqamaan.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF, Christophe Deloire waxa uu ku sheegay inay Saxaafadu tahay Tallaalka ugu wanaagsan ee looga hortago Macluumaadka Qaldan.

“Nasiib-xumo, wax-soo-saarkeeda iyo qeybinta waxaa inta badan xaniba Siyaasadda, Dhaqaalaha, Teknoolajiyada iyo xitaa mararka qaarkooda arrimaha Dhaqanka” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn, Christophe Deloire.

Warbixinta Sanadlaha ee Qiimeynta dalalka Caalamka iyo La-Macaamiltanka Saxaafadda waxaa lagu muujiyey in Tobanka Waddan ee Suxufiyiinta shaqadooda lagu xushmeeyo, laguna xad-gudbin ay kala yihiin:

1- Norway,

2- Finland,

3- Sweden,

4- Denmark,

5- Costa Rica,

6- Netherlands,

7- Jamaica,

8- New Zealand,

9- Portuqal

10- Switzerland.

Sidoo kale, Qiimeynta Warbixinta sanadlaha ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters without Borders (RSF) waxaa lagu muujiyey in dalkeena Somalia kaalinta 161-aad kaga jirto Liiska Qiimeynta 180-ka Waddan ee xogtooda La-dhaqanka Suxufiyiinta la soo bandhigay.

Warbixinta waxaa kaloo lagumuujiyey in dalkeena 2 darajo kor uga kacay qiimeyntii sanadkii hore, wuxuuna Kaalimaha kaga horeeyaa dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudiga, Yemen, Baxrayn, Azerbajan iyo kuwo kale.

Haddaba, haddaynu eegno dalalka ku xeeran Mandiqada Geeska Afrika waxay Qiimeynta ka galeen sida soo socota:

1- Ethiopia Kaalinta 101-aad),

2- Kenya  (Kaalinta 102-aad),

3- Tanzania (Kaalinta 104-aad),

4-  Uganda (Kaalinta 125-aad),

5-  Angola  (Kaalinta 103-aad),

6- Kongada Dimquraadiga (DR Congo), Kaalinta 149-aad)

7- Rwanda (Kaalinta 156-aad)

Dhinaca kale, dalalka horumaray waxay iyagana u kala galeen sidatan:

1-  Britain (Kaalinta 33-aad)

2- Faransiiska (Kaalinta 34-aad),

3-  Talyaaniga (Kaalinta 41-aad),

4-  South Korea (Kaalinta 42-aad),

5- Maraykanka  (Kaalinta 44-aad)

6- Turkiga (Kaalinta 155-aad)

7- Qatar (Kaalinta128-aad),

8- Imaaraadka (Kaalinta 131-aad)

Dhinaca kale, Shanta Waddan ee Figta hoose kaga jirta Qiimeyntaasi dalalka lagu caburiyo Suxufiyiinta. waxay kala yihiin:

1-  Jabuuti (Kaalinta 176-aad),

2-  Shiinaha (Kaalinta 177-aad),

3- Turkmenistan (Kaalinta 178-aad),

4-  North Korea  (Kaalinta 179-aad)

5- Eritrea   (Kaalinta 180-aad)

W/Q/ Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post