1068 Views

Cabdulaahi Yuusuf: Goormaad Itoobiya maya dhihi doontaa?

Cabdulaahi Yuusuf: Goormaad Itoobiya maya dhihi doontaa?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Madaxweynuhu wuxuu haddeer u muuqdaa nin wali ku dhagan xiriirkii uu rubucul-qarni lalahaa hadba maamulkii qabsada dalka Itoobiya. Wuxuu talo wacan oo wanaagsan u araa in Itoobiya ay hubka ka dhigto shacabka Soomaaliyeed, kolkaasna ay Itoobiya ku amar-kutaagleyso bulshadii oo faramaran. Yoolkuna wuxuu yahay in la tirtiro utunta colaadeed ee labada shucuub u dhaxaysa.

Dad badan oo Aqoon-yahan ah ayaa rumays-naan jiray in C/Laahi Yuusuf uu ku dangaarayo Itoobiya, laakiin goorta uu Madaxweyne noqdo uu dib ugu soo laaban-doono dareenka shacabka uu Madaxwenaha u yahay. Maanta C/Laahi Yuusuf wuu gaaray hankiisii, walina daacad ayuu u yahay Itoobiya ama saaxiib ayuu layahay. Waana arrin fasiraad qoto-dheer uga baahan Aqoon-yahankii aan kor ku soo sheegay.

Fursad qaali ah ayaa maanta hortaalla Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ah inuu u sheego saaxiibadiisii Siyaasadda, in isagoo daacad u ah uu Barlamaankii gaaray go’aan adag, badan-koodiina ay gaashaanka ku dhufteen keenista ciidamda safka hore. Waana inuu dhahaa. War ani idin madiidinee golihii sharci dajinta ayaa idin diiday. War anigu idin ma nicinee shacabkii ayaa idin diidan. Sidaas awgeed intaan anigu meesha ka bixi lahaa ii kaadiya aan Soomaali dhinac isugu toosinayee.

Shacabku wuxuu maanta u dhaga nugulyahay in Madaneynuhu aqbalo natiijada Barlamaanka, waana tallaabada kaliya ee lagu toosin karo inta ka dhiman xalinta mushkiladda Soomaaliya. Haddiise Madaxweynuhu khilaafo go’aankaas, waa dalkii oo dagaal cusub loo horseedayo. Wuxuuna xaalku u muuqan karaa in mardhaw loo diriro laba kooxood oo ay mid garab iyo taageero ka haysato Itoobiya oo rabta sidii ay dalka gacanta ugu wada dhigi lahayd, dhinaca kale oo ah koox diidan in Itoobiya loo gacan-galiyo Soomaaliya, oona dhiig ka xigta in loo faramarnaado fulinta Istiraatiijiyada Itoobiya.

Labadaas qolo goorta ay isku dhacaan toodii adkaata ayaa reerka u hari doonta. Waxaanse Madaxweynaha kula talin lahaa inuu noqdo kan hogaaminaya kooxda diidan Soomaaliya oo Itoobiya u gacan-gasha.
Shariif Xasan: Libaax nin galladay og.

Habeenkii loo tartamayey Gudoomiyaha Barlamaanka ayey Soomaalidu u qaybsantay laba kooxeed oo kala ah. Saaxiibada Itoobiya iyo saaxiibadda dalkooda hooyo. Wuxuu Ilaahay qadaray iney habeenkaas guuleystaan kuwii dalkooda saaxiibka la’ahaa, waxaana matalayey Shariif Xasan Sheekh Adam oo noqday Guddoomiyaha Barlamaanka. Wuxuu ahaa habeen Soomaalida ay wax un u badbaadeen.

Khadkii lagu doortay ayaa ahaa inuu ku taagnaado matalidda danaha Soomaalida. Go’aankii uu dhawaantan Barlamaanku gaarayna, wuxuu tusaale u yahay in Shariifku uu wali khadkaas ku taaganyahay. Wuxuusan qarsan sida uu u diidan-yahay in Itoobiya ay kamid noqto wadamada soo galaya gudaha Soomaaliya, firkadiisa wuxuu sii sheegay maalmo ka hor intaan Barlamaanku fariisan. Wuxuuna sidaas u yeelay in shacabku ogaado halka uu taariikhda ka gali doono.

Ma’amaanayo shakhsiyadda Shariifka waxaanse ku taageer-sanahay fikradda siyaasadeed ee uu hadda matalayo, waana mid uu ku galayo taariikhda Soomaaliya. Macalin Jamacadeed ayaa igu yiri Shariif Xasan wuxuu badbaadiyey wax aan lagu badbaadiyeen boqolaal askari. Issin kamid issimadda Puntland ayaa yiri Shariif Xasan wuxuu istaahilaa inaan caruurteenna ugu magacdarno, maxaayeelay haduu maanta isna aaminsanaan lahaa in la keeno safaka hore, waxaa mugdi naga gali-lahaa siduu noqon doono mustaqbalka dalkeenna.

Siyaasiyiintu waa niman is badbadal badan oo hadba meel aada. Haddeer shariifka sida nooga muuqatay hawlaha uu hayo, wuxuu muujiyey inuu yahay nin ku taagan rabitaanka shacabka. Haddiise uu taas iska badalo, waxaan shaki ku jirin inuu waayi doono dad badan oo hadeer quluubta ka jecel.

Mas’uuliyadda qalinka ayaa nafaraysa in hogaamiyihii wanaajiya aan dhahno waad wanaajisay, kii wax halleeyana aan dhahno waad hallaysay. Sidaas awgeed, waxaan maanta leenahay shariifka, waad wanaajisay halkaasna ka sii wad. Labada kooxeed ee ay Soomaali u kala qaybsami doontana waxaad la jirstaa qolada aad hadeerba hormuudka u tahay
Cali Maxamed Geeddi: Intaan lagu tuurin is casil.

Madaxweynaha Soomaaliya intii uusan aadin Adis-ababa wuxuu haystay dhawr magac oo uu ka dhexdooran lahaa ninkii uu magacaabi lahaa R/Wasaaraha Soomaaliya. Laakiin boqashaas kadib, waxa liiskii loogu kormariyey nin cusub oo uusan xitaa aqoon hore u lahayn waa Prof Cali Maxamed Geeddi. Waxaana lagula taliyey ama laguba khasbay inuu ka dhigo R/Wasaaraha Soomaaliya.

Marabo inaan qoraalkan ugu sheekeeyo sababta ay sidaas ku dhacday. Waxaase markhaati lagawada-yahay in Cali Geeddi uu yahay nin Soomaalida cirka looga keenay, isaguna taas waa ogyahay. Mbgathi waxaa ugu horesay maalintii Xildhibaan-nimadda loo dhaarinayey ee uu lixsaacadood kadibna R/Wasaaraha Soomaaliya noqoday, siyaasad horena warkeedba daa.
Intaas hadaan halkaas ku daayo, oon u soo noqdo wixii asbuucii dhawaa dhacay waxay noqdeen sidan. Inuu diido natiijadii Barlamaanka. Inuu ku hanjabo inuu dowladda ka saarayo xubna muhim u ah xalka Soomaalida. Inuusan ku abaal dhacaynin wanaagii ay Itoobiya u tartay bulshada Soomaalida.

Waxaasoo dhan waxa iiga daran. Muuse Suudi ayuu ku edeeyey inuu Itoobiya hub ka soo qaatay, kadibna uu shacabka Soomaaliyeed ku laayey, sidaasna uu magac ku helay. Waxaan isweydiiyey wax kastoo kale markaan dhinac iska dhigno, oon u imaanno halkaan qodob oo ah, R/Wasaaraha ayaa afkiisa ka sheegaya in hub laga sooqaaday Itoobiya lagu laayey shacabkiisa, misana isla isagii ayaa leh Itoobiya waa iney ka qayb-qaadata sidii dadka hubka looga dhigi lahaa. Waxaa igala sii foolxun kuwii uu yiri shacabkayga ayaa lagu laayey hubkii laga soo qaaday, ayuu leeyahay, abaal ayey noo galeen ee yaan lagu abaal dhicin.

Cali Maxamed Geeddi laba jeer ayuu Barlamaanku banaanka u tuuray, mar dowladiisii ayaa la diiday ooba la yiri sharci ma’ahan, marna barnaajimkiisii ayaa la diiday. Waxa yaab leh wali waa soo taaganyahay oo inuu R/Wasaare ahaado ayuu rabaa.
Waxaa qiso fiirsasho u baahan ah Cali Geeddi wuxuu shir jaraa’id ku qabtay gurga Madaxweynaha wixii la’ogaa ayuuna ku hadlay, habeen kadibna waxaa si kale u hadlay Madaxweyhinii oo dadkii dajiyey, kadibna codsaday in dib loogu laabto go’aankii Barlamaanka, taaso ah mid uu xaq u leeyahay Madaxweynuhu dastuur ahaan. Xaaji Geeddi waa markii labaad oo ay sidaas ku dhacdo, waagii la ridayna waakii wuxuu doono ku hadlay, kol kaasna uu Madaxweynihii ku yiri, war dib ayaan kuu magacaabayaaye ogow.

Hadduu siyaasad rajo ka qabo, waxaa u qurux badan inuu iscasilo kahor inta uusan soo fariisan makhaayadaha Islii iyadoo uu Barlamaankii soo eryey.
Labada kooxeed ee ay Soomaali u kala qaybsami doontana midna hala jirsan.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Mar 21, 2005
Isha: SomaliTalk.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post