666 Views

Ruushka oo Sharuudo ku Xiray Joojinta Dagaalka Ukraine Isagoo soo bandhigay Sharuudaha

Ruushka oo Sharuudo ku Xiray Joojinta Dagaalka Ukraine Isagoo soo bandhigay Sharuudaha
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Haddii Ukraine ay noqoto dhexdhexaad, una aqoonsato Crimea Dhul kamid ah Dalka Ruushka Markaasi Ruushku wuu joojin doonaa dagaalka, sida laga soo xigtay Kremlin.

“Waxaan diyaar u nahay inaan joojino colaadda wakhti kasta haddii Ukraine ay buuxiso shuruudaha,” ayuu yiri Dmitry Peskov, afhayeenka dowladda Ruushka.

Dalabka Ruushka waxaa ka mid ah in la joojiyo dhaq dhaqaaqa militari ee Ukraine, isbedel lagu sameeyo dastuurka si dalku u qaato dhexdhexaadnimo, iyo in Crimea loo aqoonsado dhul Ruush ah.

Intaa waxa dheer, Ukraine waa in ay u aqoonsato labada Jamhuuriyadood ee yar yar ee Ruushku taageerayo ee Donetsk iyo Luhansk inay yihiin kuwo madaxbannaan.

Peskov ayaa sheegay in Ukraine ay ka warqabto dalabaadka Ruushka. Wafuuda wada xaajoodka labada dal ayaa ku kulmi doona Belarus.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post