966 Views

Wareegto uu soo saaray Saciid Deni oo lagu kala diray Golaha deegaanka degmada Boosaaso ee Gobolka Bari

Wareegto uu soo saaray Saciid  Deni oo lagu kala diray Golaha deegaanka degmada Boosaaso ee Gobolka Bari
____________________________________________________________________________

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala diray golaha deegaanka degmada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kala dirida golaha deegaanka ee Boosaaso ayaa ku soo aadeysa, xilli guddoomiyihii degmadaasi uu iscasilay, kadib shaqo joojin uu ku sameeyay madaxweyne Deni.

Hoos ka akhriso wareegtada.

Boosaaso: 11 March 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11 ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala diridda Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post