285 Views

Ciidamada Ilaalada xeebaha Giriiga oo sheegay in saacadahii la soo dhaafay ay heleen mayd cusub xeebaha Gariigga

Ciidamada Ilaalada xeebaha Giriiga oo  sheegay in saacadahii la soo dhaafay ay heleen mayd cusub xeebaha Gariigga
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Ciidamada Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegay in saacadahii la soo dhaafay ay heleen mayd cusub, ka dib markii laba doomood ay todobaadkii hore ku degeen xeebaha Gariigga, kuwaas oo ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah, wararka ayaa intaa ku daraya in tirade meydadka la helay ay gaarayaan 30 qof.

Gariigga ayaa sheegay in laba doon oo ay saarnayeen dad muhaajiriin ah oo gaaraya 175 ruux ay ku dageen xeebaha dalkaasi, kuwaasi oo ay shegeen in ay ku howlanyahiin baadi goobkooda, waxayna intaasi ku dareen in dadka qaraqmay ay u  badnayeen Haween iyo Caruur.

Siddeedii bilood ee ugu horeysay sanadkan, ciidamada ilaalada xeebaha Gariigga ayaa soo badbaadiyay 1,500 oo qof oo tahriibayaal ah, taasoo 600 ka badan tiradii sanadkii hore ay soo badbaadiyeen.

Dhanka kale, Taliska Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa sheegay in 38 Tahriibayaal ah laga soo badbaadiyay Xeebaha magaalada Izmir ee Koonfurta Galbeed ee dalka Turkiga.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post