837 Views

Qoor Qoor oo qaabilay Guddiga qaran ee la Tacaalidda Covid 19

Qoor Qoor oo qaabilay Guddiga qaran ee la Tacaalidda Covid 19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 02 2020–Madaxweynaha Galmudug ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xubno ka socday Xafiiska R/wasaaraha JFS iyo Guddiga qaran ee la Tacaalidda Covid 19 oo maanta soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehlinayey Madaxweynaha Ku Xigeenka DGGM, Mud: Cali Dahir Ciid, iyo xubno ka tirsan Guddiga Ka hortaga & La tacaalida Covid 19 ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulankaan ayaa looga arrisanayaa habka xakameynta covid19 iyo caqabadaha ku horgudban maareyntiisa.

Guddiga heer qaran ee la tacaalida iyo ka hortaga covid 19 ayaa u yimid Magaalada Dhuusamareeb si ay u dersaa una qiimeeyaan hannaanka la tacaalida covid 19 iyo Saameynta taban ee ka dhalatay..

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment