528 Views

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Biya-Mareenka wadada Ceel Qaloow

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Biya-Mareenka wadada Ceel Qaloow
____________________________________________________________________________

Khamiis: 25 Agoosto 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka ee isku xiri doona wadada Ceel Qaloow ilaa Bada iyo sidoo kale dib u hagaajinta Warta Ceel Qaloow.

Mashruucan uu maanta dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa ah mid ay baahi weyn ay u qabeen bulshada Degan Degmada Wadajir oo horey isticmaalka Waddada Buula Xubeey dhibaato ugu qabay.

Munaasabada Dhagax dhiga ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Caana-Boore) Bulshada Degaanka iyo maamulka degmada Wadajir.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post