1269 Views

Farmaajo oo kulan gaara la yeeshay Madaxweynaha Congo Félix-Antoine Tshisekedi

Farmaajo oo kulan gaara la yeeshay Madaxweynaha Congo Félix-Antoine Tshisekedi
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Wararka ka imaanaya dalka Congo DR ayaa sheegaya  Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu la kulamay madaxweynaha dalkaasi Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo.

Kulanka ayaa ahaa mid gaara oo kaliya uu ku wehliyo tarjamaha Madaxweynaha Congo, waxayna Madaxtooyada dalkaasi ay sheegtay in socdaalka Farmaajo lagu qabanqaabiyey codsi isaga ka yimid, isagoo olole ugu jira in la aqoonsado middo kororsiga laga hor yimid ee uu sameystay.

Sidoo kale Wadahadalka Farmajo iyo Tshisekedi oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa warar soo baxay sheegayaan inuu ku saabsan yahay qorshe ay Dowladda Qatar ka danbeyso oo lagu doonayo in taageero loogu raadiyo Maxamed Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post