276 Views

Lamaane u dhashay dalka Iran oo 20-sano jir ah oo lagu xukumay xabsi dhan 10 sano kadib markii ay soo bandhigeen muuqaal ay ku cayaarayaan wadada dhexdeeda.

Lamaane u dhashay dalka Iran oo 20-sano jir ah oo lagu xukumay xabsi dhan 10 sano kadib markii ay soo bandhigeen muuqaal ay ku cayaarayaan wadada dhexdeeda.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 31 2023 | 

Lamaane u dhashay dalka Iran oo 20-sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsi dhan 10 sano kadib markii ay soo bandhigeen muuqaal ay ku cayaarayaan wadada dhexdeeda.

Waxaa la sheegay in lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, macsi iyo dacaayad.

muuqaalka ayaa muujinaya iyaga oo ka qoob-ka-ciyaaraya agagaarka Daarta Azadi ee Tehran.

Maamulka ayaa xukunno culus ku ridaya dadka loo arko inay ku lug leeyihiin mudaaharaadyada ka dib markii ay dhimatay haweeney ay xireen booliska.

Lamaanahan ayaan dheeshooda ku muujinin ay qayb ka yihin mudaaharaadyada ka socda Iran.

Ilo xog ogaal ah ayaa BBC u xaqiijiyay in xariga lamaanahan uu yimid kadib markii ay muuqaalka soo dhigeen bartooda Instagram-ka, kaasoo ay ku jiraan dad ku dhow laba milyan.

Mudaaharaadyo ka dhan ah dawladda oo lagu tilmaamay rabshado ayaa Iran ka dhacay ka dib markii Mahsa Amini, oo 22 jir ahayd ay ku dhimatay xabsiga dhexdiisa bishii Sebtembar ee sannadkii hore.

Astiazh Haqiqi, oo 21 jir ah, iyo ninkeeda Amir Mohammad Ahmadi, oo 22 jir ah, ayaa la sheegay in lagu helay dambiyada ah ayaa haatan xariggooda loo sababeeyay in ay ku keceen ficillo ka dhan ah amniga qaranka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post