810 Views

Madaxweynaha Galmudug & Duqa Muqdisho oo kulan xasaasi ah yeeshay

Madaxweynaha Galmudug & Duqa Muqdisho oo kulan xasaasi ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 29-2020-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo xilli kala-guur ah lagu jiro iyo sidoo kale wada-shaqeyn dhex-marta Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

In kastoo kulanka labada mas’uul waxyaabihii kasoo baxay aan Warbaahinta lala wadaagin ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay sidii uu uga qeyb-geli lahaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada 15-ka Bisha Agoosto uga furmaya Magalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaan ka qeyb-gelin shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamamreeb ee Caasimadda Galmudug, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo dhowr ah oo aan weli la fulin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post