1281 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Saddex Madaxweyne maamul goboleed

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Saddex Madaxweyne maamul goboleed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowladnimadeenna oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, kana turjumeysa himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamuladaasi ayaa ku kulmay Xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post