1005 Views

SAWIRO:-Taliye Xijaar oo Wakiilada QM & Midowga Afrika kala hadlay Amniga doorashooyinka

SAWIRO:-Taliye Xijaar oo Wakiilada QM & Midowga Afrika kala hadlay Amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan  & Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira.

Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayey Wakiil ka socday kooxda Copenhagen (C6+), iyaga oo ka wada hadlay  diyaar garowga ammaan iyo sida loo xaqiijin karo doorasho si ammaan ah uga dhacda dalka Soomaaliya.

 

Kooxda (C6+) ayaa ka kooban Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD,kuwaas oo dhamaantood taageera siiya Soomaaliya.

 

 

 

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan  & Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, francisco Madeira ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,iyaga oo ugu baaqay in la dardar geliyo ansixinta Sharciga doorashooyinka Qaranka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment