102 Views

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in dalladda waxbarashada FPENS ay kumaankun oo ubad Soomaaliyeed ah ay ka badbaadisay aqoon la’aan

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in dalladda waxbarashada FPENS ay kumaankun oo ubad Soomaaliyeed ah ay ka badbaadisay aqoon la’aan
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay dalladda Waxbarashada FPENS ay ka badbaadisay aqoon la’aan kumaankun oo ka mid ah ubadka Soomaaliyeed, isla markaana wax wayn ka badashay dhaqankoodii iyo noloshoodii.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumaddu ay dhiirigalinayso dalladaha ka shaqeeya waxbarashada dalka inay iska kaashadaan si kor loogu sii qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

Daladda Waxbarashada FPENS ayaa waxa aasaasay aqoonyahano Soomaaliyeed burburkii dowladda dhexe ka dib, taasi oo noqotay madal lagu badbaadiyey waxbarshadii carruurta, isla markaana ay ka aflaxeen in ka badan 1 milyan oo arday Soomaaliyeed ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post