363 Views

Gudoomiye Madaale oo lakulmay Agaasime waaxeedyada Gobolka

Gudoomiye Madaale oo lakulmay Agaasime waaxeedyada Gobolka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 26, 2023 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa loogu hadlay Dar-dargelinta Howlaha Shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir, fulinta Qorshe Howleedka, Isla xisaabtan ku aadan huf-naanto shaqo iyo adeegyada loo haayo Bulshada.

Sidoo kale waxaa kulanka loogu hadlay La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Fulinta Awaamiirta Duqa Magaalada ee ka dhanka ah goobaha lagu gado iyo goobaha lagu istecmaalo Maandooriyaha. Asigoona faray Agaasinta Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir sare u-qaadida Barnaamijyada wacyigelina ee Bulshada.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray Guddiga Maareynta Mooto Bajaaj-ta, in la dar-dargeliyo diiwaangelinta iyo Midabeynta Bajaaj-yada Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post