1635 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Ceelgaabta.

Ra’iisul Wasaare  Rooble oo  ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Ceelgaabta.
____________________________________________________________________________

Sabti: September 25, 2021

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay  Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uuna tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay halkaas.

Rooble ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hor tago waxa uu ugu yeeray Argagixisada Al-shabaab. Lana bilaabo dagaal ka dhan ah.

Saraakiisha Xafiiska  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiiru- dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xoghayaha joogtada ah ee XRW, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Muqdisho.

HIbaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post