903 Views

Ilhan Cumar oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Trump oo isbitaal ku jira

Ilhan Cumar oo eedeyn u jeedisay Madaxweyne Trump oo isbitaal ku jira
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 03, |  2020
—Xildhibaan Ilhan Omar ayaa ku eedeysay madaxweyne Donald Trump in uu si firfircoon u faafinayo fayraska Covid 19, islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada xilli Madaxweynaha laga helay Corona virus.

Ilhan Omar oo sheegtay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurkaan ayaa ku eedeeysay maamulka madaxweyne Trump inuu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay Covid19.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo  kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna. ”ayay tiri Ilhan Omar.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump  loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post