954 Views

Khilaaf ka dhex curtay dowladaha Kenya & Tanzania

Khilaaf ka dhex curtay dowladaha Kenya & Tanzania
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-02-2020- Khilaafkaan ayaa waxaa u salka ku hayaa Arrimo la xiriira dhinaca duulimaadka,waxaana Hay’adda duulista rayidka ah ee waddanka Tanzania (TCAA), ay dalkeeda uga mamnuucday duulimaadyada Diyaarada Kenya Airways.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda duulista rayidka ah ee waddanka Tanzania ayaa lagu sheegay in, iyada oo la eegayo heshiiskii horay ay u wada galeeb labada dowladood ee ahaa is-dhaafisaga duullimaadyada in la joojiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee Diyaaradda diyaaradda Kenya Airways ee ahaa Nairobi/Dar es salaam /Kilimanjaro/Zanzibar.

Duulimaadyada Diyaaradda Kenya Airways laga joojiyay ayaa waxaa ay billaaban lahaayeen 1-da, bisha August ee sanadkaan,waxaana war kasoo baxay dowladda Kenya lagu sheegay in ilaa iyo amar-dambe ay joojiyeen, sida uu sheegay Agaasimaha Hay’adda duulista rayidka ah ee dalka Tanzania Hamza S.Johari.

Tallaabada ay dowladda Tanzania qaaday ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii dhawaan Dowladda Kenya ay sheegtay in duulimaadyada Caalamaiga ah la fasaxay,isla markaana kaliya looga imaan karo dalalka Uganda, Rwanda, Namibia, Switzerland, Morocco, dalka Mareykanka gaar ahaa Gobollada “California, Florida, iyo Texas”,taas oo Tanzania ay ka carootay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | __________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post