1182 Views

Maxay tahay sababta Ciidamo AMISOM loo geynayo Dhuusamareeb?

Maxay tahay sababta Ciidamo AMISOM loo geynayo Dhuusamareeb?
____________________________________________________________________________

muqdisho | QOL | Ogoosto 30, 2019 –Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska guud ee AMISOM ayaa Maanta oo Jimce ah waxaa ay isku raaceen in Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM la geeyo Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.

 

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib markii kulan Maanta Magalada Dhuusamareeb ay ku wada qaateen Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Ticabu Yilma oo Maanta gaaray halkaas & Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya, iyaga oo isku raacay in Ciidamo AMISOM ah la geeyo Magalada Dhuusamareeb.

 

 

 

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar in Ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo Doorasho xor iyo Xalaal ah.

 

Waxaa uu shegay in Ciidamadaas ay kaalin weyn ka qaadan doonaan hour-socodka Galmudug si loo dhiso Galmudug oo mideysan iyo sidoo kale qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaah dega deegaannada Galmudug.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment