897 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir guddoomiyay Shirka Amniga Hirshabeelle

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir guddoomiyay Shirka Amniga Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Hirshabeelle.

Shirka oo maanta ay ka qeybgaleen Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Madaxtooyada Hirshabeelle,


Taliyaha Nabada Sugidda Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaannada Hirshabeelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amniga, isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaannada Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Jowhar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post