483 Views

Mareykanka oo u soo baxay ciyaaraha Koobka Adduunka

Mareykanka oo u soo baxay ciyaaraha Koobka Adduunka
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Maraykanka iyo Mexico ayaa labaduba u soo baxay Koobka Adduunka ee dabayaaqada sanadkan ka dhacaya dalka Qadar, kaddib markii ay xalay ciyaareen ciyaartii ugu dambeysay ee isreebreebka dalalka CONCACAF.

Maraykanka oo seegay koobkii adduunka ee 2018 ka dhacay waddanka Ruushka ayaa waxaa 2-0 kaga badiyay xulka Costa Rica, waxaana Mareykanku ogaa in guul, guuldarro iyo bar-bar dhac intaba ay u soo bixi doonaan koobka adduunka.

Inkasta oo taageeyeyaasha Mareykanku aysan ku qancin qaab ciyaareedka xulkooda, haddana si weyn ayay u soo dhaweeyeen u soo bixista koobka adduunkaa, iyada oo baraka bulshada, sida Twitter iyo Facebook aad looga dareemayay farxadda iyo dabbaaldegga taageereyaashooda.

Mexico ay iyana 2-0 ku garaacday El Salvador, halka Canada, oo horey u xaqiijisay u soo bixitaanka Qadar ay guuldarro 1-0 ay kala kulantay Panama.

Costa Rica, inkasta oo ay ka badisay Mareykanka hadana waxay ku dhammeysay kaalinta afraad ee kala sareynta dalalka CONCAF waxay wajihi doontaa waddanka New Zealand ciyaar isreebreebka qaaradaha ah oo ka dhici doonta Qatar bisha June si ay boos kale ugu hesho koobka adduunka.

Mareykanka, Mexico iyo Canada ayaa si wada jir ah u martigelin doona Koobka Adduunka ee 2026.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post