870 Views

Maamulka Hir-Shabeelle oo cadeeyey mowqifka Doorashooyinka 2020/21

Maamulka Hir-Shabeelle oo cadeeyey mowqifka Doorashooyinka 2020/21
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Lix qodob kasoo saarey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Sanadka 2020/21.

 

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu cadeeyey in aan la aqbaleyn muddo kororsi,sidoo kalena doorashada ay dhamaan ka wada qeyb qaataan  Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Sidoo kale Hir-Shabeelle ayaa Warsaxaafadeedka ku cadeysay inay la socdaan dooda Xildhibaannada ee Sharciga doorashooyinka,isla markarkaana Hir-Shabeelle ay garwaaqsan tahay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo jilicsan oo kasoo kabanaya Colaad.

 

Ugu dambeyn War-Saxaafadeedka ayaa looga codsaday saamileyda Siyaasada Soomaaliyeed ee xilal doonka ah inay horyimaadaan dadka ay matalaan una soo gudbiyaan fekerkooda si ay cod uga helaan.

 

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Maamulka Hir-Shabeelle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment