558 Views

Ciidanka la dagaalanka argagaxisada Uk oo Qaraxii shalay ka dhacay Liverpool ku tilmaamay fal argagaxiso

Ciidanka la dagaalanka argagaxisada Uk oo Qaraxii shalay ka dhacay Liverpool ku tilmaamay  fal argagaxiso
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

Ciidanka la dagaalanka argagaxisada ee Britain ayaa Axaddii xiray saddex nin, kadib markii baabuur taksi ah uu ku qarxay goob kasoo horjeedda isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Liverpool ee waqooyiga dalkaas.

Qarax ka dhacay bannaanka Isbitaalka Haweenka ee Liverpool maalintii Axadda ayaa boolisku waxay ku dhawaaqeen inuu ahaa fal argagaxiso ah.

Gaari taksi ah ayaa ku qarxay banaanka isbitaalka, waxaana halkaas ku dhintay rakaabkii gaariga saarnaa, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday.

Afar nin ayaa lagu xiray magaaladaas, kuwaasoo lala xiriirinayo falkii Axaddii dhacay. Rakaab tagsiga raacay ayaa lagu tuhunsantahay inuu sameeyay “walxaha qarxa” kaas oo sababay qaraxa, ayuu yiri Madaxa La-dagaalanka Argagaxisada ee Waqooyi Galbeed Russ Jackson.

Waxa uu warbaahinta u sheegay in uu fahamsan yahay in dareewalka Delta Taksi uu qof rakaab ah ka soo qaaday waddada Rutland Avenue, oo u dhow Sefton Park, Axaddii. waxa uuna codsaday in la geeyo Isbitaalka Haweenka Liverpool, kaas oo u jiray ilaa 10 daqiiqo,” ayuu yiri ACC Jackson

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post