558 Views

Wasiirka ugu sareeya ee maamulka Assam oo ka jawaabay burburinta madarasado

Wasiirka ugu sareeya ee maamulka Assam oo  ka jawaabay burburinta madarasado
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Wasiirka ugu sareeya ee maamulka Assam ee, Himanta Biswa Sarma, ayaa ka jawaabay burburinta madarasado, iyadoo xarunta lagu eedeeyay falal ka dhan ah qaranka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu yiri, waa markii labaad ee aan domino madaraso.

Mas’uulka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in qolyaha maamulayey madrasadan aanay u maamuleyn sidii hay’ad ahaan, ee waxay u maamulayeen sidii xarun argagixiso.

Sarma, ayaa carabka ku dhuftay inaanu dooneyn inuu dhaleeceeyo dhamaan dadka oo idil, laakiin marka ay jirto cabasho asaasi ah, waxaynu ku qasban nahay inaan qaadno tallaabo iyo baaritaan.

Ku-Xigeenka maamulka Assam, Lachit Kumar, ayaa sheegay in Madrasa degmada Barpeta ee Assam ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah qaranka Hindiya.

Lachit ayaa intaa ku darey, in markiiba goobta ay gaareen, ay baareen xisaabiyeenna hantida xarunta taalla. Madarasada ayaa ku taalla dhul dawladeed, balse lama helin mulkiilihii, iyadoo markiiba go’aan lagu gaarey in la dumiyo.

Booliska Assam, ayaa degmada Goalpara kasoo qabtay laba tuhmane todobaadkii hore. Tan iyo markaas, waxaa tallaabo laga qaadayaa madarasadaha ku yaalla gobolka.

Sida laga soo xigtay booliisku, labada qof ee la xiray, ayaa waxay xiriir la leeyihiin al-Qaacida iyo kooxda Ansarullah Bangla.

Wasiirka ugu sareeya ee Assam ee, Himanta Biswa Sarma, ayaa sidoo kale ka hadlay xaqiijinta aqoonsiga dhammaan imaamyada bulshada Muslimiinta ah, ee ka imaanaya goob ka baxsan gobolkooda.

Run ahaantii, madaxa Assam, Himanta Biswa Sarma, ayaa ku nuux nuux sadey una gudbiyey warfidiyeenka, “Waxaan samaynay hannaan gaar ah, haddii imaam cusub oo ka baxsan gobolka uu yimaado tuulo, dadka tuulada ayaa ku wargelin doona saldhigga booliiska ee degaanka, ka dibna booliisku waa la socon doonnaa dhaq dhaqaaqa qofkaas. “Booliisku wuxuu xaqiijin doonaa aqoonsiga ruuxani.”

Waxa kale oo uu sheegay in hawlahan loo samayn doono goob ama xarun dawladeed, oo imaamyada iyo macalimiinta madarasada ay isku diiwaan galiyaan.

Wasiir Sarma, ayaa ku andacoonaya in bulshada Muslimiinta ah ee Assam ay dawladda ka caawinayaan hawshan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post