1398 Views

Somaliland oo degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag ka bilowday Qodista Dahabka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta.

Somaliland oo  degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag ka bilowday Qodista Dahabka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta.
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Warar ka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya  in xukuumadda Somaliland ay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag ka bilowday Qodista Dahabka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta.

Degaanka ay Somaliland haatan ka bilowday Macdan Qodista oo lagu magacaabo Shidan, waxaa muddo sannado ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa laba beelood, taas oo aan weli heshiis dhammaystiran laga gaarin.

Wararku waxay sheegayaan, in Somaliland ay shirkado shisheeye heshiis hoose kula gashay barnaamij ku saabsan Macdan Qodista, oo la doonayo in laga sameeyo Buuraleyda ku teedsan xeebaha Gobolka Sanaag.

Sidoo kale Barnaamijkaas ayaa loo xil saaray Ganacsato ka soo jeeda Somaliland, si aan loo dareemin Qorshaha xukuumaddu wadato.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post