1380 Views

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Fariin U diray Madaxda Dowladda

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Fariin U diray Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 28, 2019 —Xilli weli ay jirto cabasho ay qabaan siyaasiyiin farabadan taas oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ku heyso caburin ayaa waxaa daba socda baaqya kala duwan oo loo jeedinayo Madaxda Dowladda federaalka.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxda dowladda federaalka ay ku u dhiirigelineynaa in saaxada siyaasada dalka in ay furto taladana la wadaago,isla markaana ay raali ka noqotaa markii ay hadlayaan Siyaasiyiinta.

 

Sidoo kale  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa waxaa uu ku hanjabey in hadii dowladda u diido inay kulmaan ay si awood ah ku kulmi doonaan.

 

Marka laga soo tago hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa jirtay xilligii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya in ay caburin tabanayeen siyaasiyiin kasoo horjeeday,iyada oo la weeraray siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Axmed Xuseen Cadoow (Axmed Daaci) iyo Cabdi Nuure Siyaad sidoo kalena la xiray Wariyeyaal iyo Idaacaddo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment