795 Views

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed ka wada Magaalada Garoowe

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed ka wada Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo kamid ah wufuuda ku sugan Magalada Garoowe ayaa halkaasi ka wada kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee uu dalkaq marayao.

Axmed Madoobe ayaa  hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Caasimada ah ee Garoowe ku qaabilay Madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada Guud ee dalka iyo arrimo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka oo uu muarnka ka taagan yahay,, iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in la qabto doorasho la isla ogol yahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Garowe kula kulmay  Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFSMudane Abshir Maxamad Axmed iyo Masuuliyiin kasocday Galmudug.

Kulanka labada Mas’uul ayaan wax fah faaahin laga bixin, hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaafka dowladda & Maamulka Jubbaland, kaas oo aan wax xal ah laga gaarin.

Magaalada Garoowe oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ugu miisaanka culus Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo Shirka Madasha Aragti wadaaga Machadka Heritage, kaas oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post