2892 Views

Ciidamada Dowladda oo Shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Shabeelooyinka.

Ciidamada Dowladda oo Shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Shabeelooyinka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 05, 2017 —Ciidankq Milatariga Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay Deegaano ku yaala Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose kadib Howlgalo halkaas ka bilaawday.

Ammaan duulaha Ciidanka Xoogga Generaal C/llaahi Cali Caanood oo hogaaminaya Howlkaas ayaa Qaranimo Online u sheegay in ay Ciidamada Dowladda qabsadeyn ilaa 5 Tuulo oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen Islamarkaana ay Fariisin cusub ka sameestay.

Deegaanada ay Ciidanka qabsadeyn waxaa ka mid ah Basra Daniga Baalow iyo Tuulooyin kale oo muhiim ah una dhaxeeya Labada Gobal.

Al-shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay deegaanada hada lagala wareegay waxaana qorshahooda ahaa in ay go’doomiyaan Magaalada Muqdisho sida uu sheegay Ammaan duulaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment