843 Views

Xuseen Cabdi Xalane “ waa wax laga xumaado in farmaajo sidii aan la yeelin 2016-kii uu Musharixiinta Ciidamo cabsi galin ah dul dhigo.

Xuseen Cabdi Xalane “ waa wax laga xumaado in farmaajo sidii aan la yeelin 2016-kii uu Musharixiinta Ciidamo cabsi galin ah dul dhigo.
____________________________________________________________________________

.

xoghaya Guud ee Midowga Musharaxiinta Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa gashaanka u daruuray dhacdadii shalay Ciidamada Haramcad Dowlada soomaaliya ay ku dul geysay Guryaha ay ka daganyihiin Muqdisho  Musharixiinta, waxa uuna sheegay in dhaqankaas uu yahay mid kaligitalisnimo ah oo aan loo dul qaadan Karin.

Waxa uu soo qaatay markii Madaxweynaha haatan Xilka hayo farmaajo uu soo gaaray Muqdisho dabayaaqadii 2016-kii, waxa uuna sheegay in asaga oo mucaarad ku ah Dowladii Xiligaas jirtay ee Xasan sheikh, si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho oo si Nabad galyo ah loogu Banaanbaxay cid ka hor istaagtayna aysan jirin banaanbaxyadii lagu soo dhawaynayay.

‘ Dhaqamada xun  ee farmaajo iyo Fahad ku socdaan waa mid aad u liita, farmaajo  markii uu Doorashada galayay Xamar Xor ayuu ku ahaa  Jeneral indhacade ayaa soo dhaweeyay Dowladii Xiligaas jirtay, ama Wasaaradii gaashaandhiga ma aysan dhihin Hubkan aa farmaajo ku soo dhawaysay waa sharci daro, marka maanta abaalkii Somalida Muqdisho dagan in uu saas ugu abaal gudo waa dhaqan aan melena ka soo galin dhaqanka wanaagsan ee Umada Soomaaliyeed”ayuu yiri Musharax xalane.

Sidoo kale waxa uu sheegay in farmaajo banaanbaxyadii muqdisho lagu soo dhawaynayay ay dad ku dhiman jireen, cid eedaysana aysan jirin.

xoghaya Guud ee Midowga Musharaxiinta Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa ugu baaqay Villa Somaliya inay dalka gaarsiiyaan doorasho xalal ah oo loo dhan yahay.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post