1740 Views

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Wasiirro cusub Magacaabay

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Wasiirro cusub Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 5, 2018  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay xubno wasiirro ah oo ka mid noqon doona Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane; Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Magacaabay ayaa kala ah sidan:-

Mudane; C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Mudane; Sheekh Nuur Maxamed Xasan , Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Mudane; Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka xannaanada Xoolaha.

Mudane; C/llaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaaddi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Mudane; Shawaqar Ibraahim Cabdalla; wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Wasiirrada cusub ee la Magacaabay ayaa la faray in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilkooda, waxana wareegtadani lagu Magacaabay wasiirrada ay kusoo bixi doontaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment