657 Views

Sudan si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhulka ku yaalla xuduudda, Ethiopian

Sudan  si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhulka  ku yaalla xuduudda, Ethiopian
____________________________________________________________________________

Jimco  January 1, 2021

 Sudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Sudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Ethiopia ayaa dhankeedana ku eedeysay deriskeeda inay ciidamo usoo dirtay dhulkan, si ay weeraro uga fuliyaan.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay usoo qaxaan Sudan.

Sabtidii, Sudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee aysan si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Sudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.
Saraakiisha Sudan ayaa sheegay in Ethiopia aysan si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti wuxuu ku sheegay in Sudan ay ciidamo usoo dirtay dhulka Ethiopia.

Hase yeeshee waxaa taas ku gacan seeray madaxa golaha madax-banaanida Sudan Jeneral Abdelfattah al-Burhan.

“Sudan kama tallaabin kamana tallaabi doonto xuduudaha caalamiga ah, kumana xadgudbi doonto deriskeena Ethiopia,” ayuu yiri General Abdelfattah al-Burhan oo Khamiistii ka hadlay munasabadda maalinta xoriyadda Sudan.

Reuters

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post