1038 Views

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey Gobolka Bakool

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaarey Gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —Wafdi uu hogagaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Maanta waxaa ay gaaren degmada Ceelbarde oo ka tirsan gobolka Bakool,halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Garoonka diyaaradaha degmada Ceelbarde waxaa kusoo dhaweeyey mas’uuliyinta Maamulkaas,iyaga oo halkaasi u tegay inay ka fuliyaan mashaariic kala duwan.

 

 

 

“Waxaan maanta soo gaarnay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo aan u nimid in aan ka fulinno mashaariic lagu Horumarinayo waxbarashada, Waxaan u mahadcelinayaa Maamulka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida diiran oo ay noogu soo dhaweeyeen magaalada ayuu yiri” Wasiir Goodax Barre.

 

Xubnaha Wafdiga Wasiirka ayaa inta ay ku sugan yihiin Ceelbarde waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka degmada,iyaga oo dhagax-dhigi doono mashaariic dhiaca horumarinta Waxbarashada ah oo laga fulin doono degmadaasi Ceelbarde.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment