1323 Views

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 17, 2018 –R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) Ayaa  maanta Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya Uga qayb galaayo shirka madaxda Africa oo Ka furmaayo Halkaasi.

Mahdi Maxamed Guulleed R/wasaare ku xigeenka dalka oo la hadalayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Shirkaan looga hadlayo Sidii dib u habeen loogu sameen lahaa midowga afrika, iyo sidii ay si wanaagsan u wada shaqeyn lahaayeen EU-da iyo Urur Goboleedka Qaaradda Afrika ee UA.

Sidokale waxa  uu intaa ku daray in shirka looga hadlaayo Hormarinta Afrika gaar ahaan arrimaha is dhex galka bulshada, dhaqaalaha, amniga  iyo siyaasadda.

Dhawaanahaan waxaa socday dhaq dhaqaaqyo ay hogaamiyayaasha geeska Afrika ku doonayaan in ay xiriir Goboleed wanaagsan ay yeeshaan taasi oo dadka wadamada geeska Afrika si weyn ugu kala aragti duwanyihiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment