873 Views

Soomaaliya & Shiinaha oo heshiis cusub kala saxiixday

Soomaaliya & Shiinaha oo heshiis cusub kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Heshiiskan is-af-garadka ah waxaa uu ku saabsan yahay dayactirka iyo qalabeynta Tiyaatarka qaranka, Radio Muqdisho iyo wakaaladda wararka SONNA, waxaana kala saxiixday wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya  Cismaan Abokor Dubbe iyo danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchoa.
Munaasabadda heshiiska lagu saxiixayay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa heeso luuqadda Shiinaha ah ka soo jeediyay fanaaniinta Waaberi.

Wasiirka warfaafinta oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu bilow u yahay wada shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo xusay in waxyaabaha is-af-garadkan quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha wasaaradda sida; Radio Muqdisho, Tiyaatarka iyo SONNA.
“Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yaryar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA,” ayuu yiri wasiir Dubbe.
Tiyaatarka Qaranka waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965 ka dib burburkii dalka ka dhacay waxaa dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan ku dhistay 2019.
Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah, dowladda Shiinaha waxaa ay dalka ka fulisay mashaariic waa weyn oo ay kamid yihiin tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir iyo waddooyin ay kamid tahay tan isku xirta Beledweyne ilaa Burco.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post