1944 Views

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo lacag ku wareejiyey maamulka Jubbaland

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo lacag ku wareejiyey maamulka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2018 – Guddiga Gurmadka qaran ee fatahaadaha oo shalay gaaray Magalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ugu dambeyn waxa ay Maanta Dowlad goboleedka Jubaland ku warejiyeen lacag loogu talo galay dad uu saameeyey fatahaada Wabiga ee deegaanada Jubbaland.

Guddiga Gurmadka qaran ee fatahaadaha ayaa Jubbaland ku wareejiyey lacag dhan (labo boqol iyo konton kun oo doolar ) 250,000$,lacagtaas oo wax loogu qaban doono dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga ee k u nool deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lacagtaas ku wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Luga-dheere.

Sikastaba Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ee dowladda ayaa horay waxa uu lacag ugu wareejiyey Maamulka Hir-Shabeelle taas oo uu bixiyey Maamulka Gobolka Banaadir.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment