801 Views

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo la kulmay wafdi Ka socday QM

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe oo la kulmay wafdi Ka socday QM
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay ku Xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowadda Ingiriiska ee Soomaaliya danjire kate Foster.

Kulankaan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan dardargalinta doorashada golaha Shacabka, Amniga iyo maashaariicda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhowaan deegaanada Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka oo si daahfuran u qabsoomi doonto waxa uuna sheegay in muwaadiniinta musharixiinta ah fursad siman la siin doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha ee ku gadaaman deegaanada Hirshabeelle oo muhiim ay tahay in nagala caawiyo ka hortaga fatahaadaha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post