1308 Views

Sawirro:-Ganacsato Ka Socota Qatar Oo Maalgashi Ka Sameyneysa Soomaliya

Sawirro:-Ganacsato Ka Socota Qatar Oo Maalgashi Ka Sameyneysa Soomaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 02, 2019 —Iyaddoo laga duulayo Heshiisyadii dhawaan ay wada galeen Dawladaha Somalia iyo Qatar ee ku aadanaa Maalgashiga dalka ayaa maanta Wakiil ka socday Ganacsatada Reer Qatar waxa uu magaaladda Muqdisho kula kulmay Sii-hayaha Xilka Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, iyaggoo kawada hadlay maalgashiga Tamarta.

Ganacsade C/Casiis Al-duleybi oo wakiil ka ah Ganacsatada iyo Dawladda Qatar ayaa sheegay inay aad u daneynayaan Maagashiga Soomaaliya , islamarkaana isagga uu si gaar ah u doonayo maalgashiga Tamarta, maadaama uu madax ka yahay Shirkad arrimahaasi ka shaqeysa.

Kulankaan ayaa intii uu socday labada dhinac waxay Is-dhaafsadeen arrimaha ku qotoma maalgashiga Tamarta Soomaaliya oo intiisa badan ay tahay mid Dahan, una baahan Hal-abuur dhaqaale.

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneyso in maalgashi ay ku sameeyaan Biyaha iyo Tamarta dalka, si loo horumariyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment