1518 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Axmed Madoobe Oo Kormeeray Wasaaradaha Jubb

Ra’iisul Wasaare Kheyre Iyo Axmed Madoobe Oo Kormeeray Wasaaradaha Jubb
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | Maarso 12, 2019  –  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland iyagoo la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada kala duwan.

Ugu horayn waxaa kormeerkooda ay ka bilaabeen Wasaarada Arimaha gudaha iyadoo Wasiirka Wasaaradu uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay hayaan si gaar ah wuxuu u sharaxay hanaanka bixinta Jidadka Caasimada KMG ah iyo adeegyada loo qabto dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga dhadhaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay kaalmo u baahan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kuwa kasoo noqonaya Dhadhaab kuwaas oo ay ku adag tahay in ay la qabsadaan Nolosha loona baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynahu in ay diyaarisay goobo ku wanaagsan kaluumaysiga iyo beeraha oo shaqo abuur looga samaynayo dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga loona baahan yahay doorkii Dowlada Federaalka ah.

Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaarahu waxaa kale oo ay booqdeen Wasaarada Maaliyada iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha iyadoo Wasiirku uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay wasaaradu hada gacanta ku hayso.

Xarumo ay ku shaqeeyaan inta badan Wasaaradaha Dowlada oo dhawaan xariga laga jaray ayay masuuliyiintu booqdeen maanta iyagoo u kuur galayay sida dhaqada umada loo hayo ay u socoto.

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment