804 Views

Wararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ukrain iyo Ruushka oo Qabsaday magaalo Muhiim ah Muda dheer kadib

Wararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Ukrain iyo Ruushka oo Qabsaday magaalo Muhiim ah Muda dheer kadib
____________________________________________________________________________

Axad: March 20, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa wadooyinka magaalada Mariupol kula dagaallamaya xooggaga Ukraine, xilli magaaladaas laga soo sheegayo xaalad bani’aadannimo oo adag.

Dedaallo lagu sama bixin lahaa boqolaal qof oo ku hoos jira burburka tiyaatarta Mariupol ayaa hakaday dagaalka u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine awgii.

Duqa magaaladaas ayaa ciidamada soo duulay ku eedeeyay inay si sharci darro ah kumannaan qof oo magaalada ku sugnaa u geeyeen gudaha Ruushka. Ma jirto cid xaqiiijisay warkaas.

Dhinaca kale faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn gantaallo loo adeegsaday oo uu Ruushka ku qaaday saldhig ciidan oo ay Ukraine ku leedahay magaalada dhacda badda madow ee Mykolayiv.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post