1014 Views

Magaalada jowhar oo lagu xiray in afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaaladaasi o

Magaalada jowhar oo lagu xiray in afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaaladaasi o
____________________________________________________________________________


Khamiis: September 30, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hir-shabelle ayaa waxay sheegayaan  in afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaaladaasi ay Ciidamo Boolis ay xireen.


Qaar ka mid ah ehalada dhalinyarada afarta ah ee Ciidanka Booliska Xireen ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaraan ay wateen Funaanad ay ku qoran tahay Hiiraan State, taasi oo keentay in Ciidamada ay Xiraan.

Sidoo kale  Magaca Hiiraan State ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay lagu arkayay Gobolka Hiiraan, oo aad uga caraysan Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post